In ka badan 20 sano ayaan ahaa Xirfadle bixiya Taageero Toos ah

Noloshiisii hore, Justin waxa uu dareemay inuusan helin daryeel toos ah, isagoo daawaday xubnaha qoyskiisa oo maraya halgankooda. Waxa ka ahaa Xirfadlaha bixiya Taageerada Tooska ah (DSP) Degmada Kennebec lixdii sano ee la soo dhaafay isaga oo ku Takhasusay Dhaawaca soo gaara Maskaxda, kana caawinaya dadka qaba dhaawacyada maskaxda in ay gaaraan yoolalka shakhsi ahaaneed iyo tan xirfadeed.

Sidee buu u ekaa wadadaada xifad shaqo?

Waxa aan ku soo dhax koray qoys weyn oo leh laba adeer, mid ka mid ah wuxuu qabay dabayl midka kalena waxuu ka curyaamay dhaxda inta ka hooseysa Adeerkay oo curyaan ah waxa ku dhacay xanuun naadir ah oo hidde-sideyaal ah kaas oo sababay in xadhkaha codku adkaadaan, muruqiisuna ay hawl-gab noqdaan. Waxuu wax soo bartay ilaa fasalka siddeedaad, laakiin aad buu u caqli badnaa waxuuna asaga is-baray aljebrada. Waxa uu ahaa dhiirigelintayda ugu weyn in aan ka qayb qaato daryeelka tooska ah sababtoo ah wuxuu ka gudbay caqabad kasta. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aanu noolaan doonin wixii ka danbeeya da’da 12 sano waxuuna noolaa ilaa uu ka gaaray 59 sano. Hooyaday sidoo kale waxay la shaqeysay dad dhanka kobaca naafo ka ah, sidaas darteed waxaan ku soo barbaaray shaqa noocaan ah.

Markii aan kasoo baxay dugsiga sare, saaxiib ayaa ii yimid si aan u noqdo DSP. Sannadkii 2000, waxaan ku sameeyay taageerada guriga agagaarka Farmington waxaanan noqday DSP 2006dii. Sannadkii 2008dii, waxaa la ii ansixiyay inaan noqdo MHRT-1 (Dhakhtarka Dhaqan-celinta Caafimaadka Maskaxda), ka dibna waxaan qaatay tababarka CBIS (Takhasuslaha Dhaawaca Maskaxda ee La Ansixiyay), haddana, waxaan ahay qof ku Takhasusay daaweynta Dhaawaca Maskaxda. Waxaan sameeyay shaqo tababarid ah; Waxaan sameeyay CRMA (Kaalmada Daawaynta Deganaanshaha ee La ansixiyay). Waxaan ahaa hogaamiye kooxeed iyo maamulaha barnaamijka deegaanka. Tani maaha maarayn kiis. Tani waa boos safka hore ah. Waxaan kasoo jeedaa asal qurux badan oo kala duwan xagga adeegyada bulshada.

Sida caadiga ah tababbarka aasaasiga ah waxaa bixiya kharashkana dhiibo loo shaqeeyaha marka qof la shaqaaleysiinayo, inta badan hay’adaha ayaa lacag kugu siin doona wakhtigaaga. Waxaan sidoo kale ka faa’ideystay barnaamijka magdhawga shaqaalaha si aan u helo shahaadada koowaad ee jaamacadda. Dhammaan tababaradayda iyo dib-u-ansixinta waxa bixisay shirkadda.

Maxaad u taqaanaa guul shaqadaada?

Waxaan filayaa in tababaradu ay i caawiyeen, laakiin run ahaantii, inaad barato qofka aad la shaqaynayso ayaa aad ugu muhiimsan. Waa inaad heshaa isku-dheelitirka si aad uga fogaato loolanka awoodda. Ogaanshaha qofka aad la shaqaynayso, ogaanshaha waxyaabaha kicaya, ogaanshaha waxa ka xanaajiya-haddii aad garan karto in ka hor inta aanay wax cilad ah noqonin, taasi waa furaha guusha. Had iyo jeer xasuusnoow kuwani waa dad – waxaad ka tahay marti gurigooda, ula dhaqan si xushmad leh, oo sii dareen ay ku xakameynayaan noloshooda. Hadyada ugu fiican ee aad siin karto macaamiisha waa inaad u ogolaato madax banaani.

Sideed u qeexi lahayd saamaynta ay ku leedahay shaqadaada markaa tahay DSP?

Waxaan u shaqeeyay nin ilaa laba sano kaas oo shil kasoo gaaray adeegga [ciidanka], kaasoo gaarsiisayy dhaawac maskaxdiisa. Dheelitirkiisa ayaa isku qasmayy; waxa uu ku xidhnaa kursiga curyaanka, waxaanan dib u barayay sida loo socdo. Markii ugu horeysay ee aan bilownay, waxaan isku dayay inaan ku dhiirageliyo inuu kaco oo sameeyo, laakiin way dhibaysay inuu socdo, sidaas darteed waxaan qaadnay tallaabooyin ilmo socod barad ah. Kahor intaanan bilaabin barnaamij kale, waxaan gaarsiiyay inuu ku socdo 75 fiid suunka socodka ah. Inaad kasoo gudubt kursiga curyaanka una gudubto suunka socodka (qalabka daryeel-bixiyuhu u isticmaalo bukaanka qaba ciladaha dhanka socodka) sannad gudihii waxay ahayd cajiib; daaweeyahiisa jireed ayaa sheegay in aysan dhici karin. Markii ay waalidkii u yimaadeen inay soo booqdaan, waxaanu ka soo saarnay kursiga curyaanka, waxaanan uxirnay suunka socodka, waxuuna ka soo lugeeyay 75 tilaabo qolkiisa jiifka wuxuuna imaaday miiska jikada. Markii uu ku fadhiistay kursiga jikada, muuqaalka wejiga hooyadii wuxuu ahaa mid aad u faraxsan. Waxay ka dhigtay mid aad u rajaynayo inuu isku dayo inuu socdo. Labadeenaba, waxay ahayd guul shakhsi iyo mid xirfadeed, sababtoo ah labadeenuba waxaan ku dhahnay daaweeyaha jireed: ‘Sidaas ayaan kuu sheegay.’Taasi waxay ahayd waayo-aragnimada ugu faa’iidada badan ee aan sameeyay muddo dheer.

Talo noocee ah ayaad siin lahayd dadka raba inay noqdaan DSP?

Ogoow naftaada. Samee shaqada laguugu soo diray inaad ku qabato guriga oo arag haddii ay tahay wax aad jeclaan lahayd. Malaha diyaariso waraysi. Waxay kaliya kaa qaadanaysaa waqtigaada. La xidhiidh wakaaladaha maxaliga ah oo waydii su’aalo Human Resources (Kheyraadka Aadanaha) ee ku saabsan sharaxaadda shaqada. Weydii naftaada: ‘Ma xamili karaa waxay i weydiinayaan?’

Wac kuleej bulsho, tusaale ahaan, barnaamijka MHRT ee Kennebec Valley Community College, oo weydii kharashka ku kacaya barnaamijka iyo waxa ku jira. Xarunta Muskey waa kheyraad muhiim ah. Soo hel adeegyada, shuruudaha waxbarashada, doorarka iyo shaqooyinka, ka dhaafitaanada, iyo haddii ay ku kacayaan wax kharash ah.

Ka fiirso shaqada sida uu u qabanayo qof dhawr saacadood – waxay diyaar u yihiin inay kuu oggolaadaan. Ogow in barnaamijyada maalintu ay ka duwan yihiin barnaamijyada deegaanka. Wax badan ka ogow Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maine iyo goobaha aan macaash doonka ahayn.

Haddii aad ahayd qof ay Hagaan Maine, waxaa laga yaabaa inaad ku habboon tahay barnaamijka maalinlaha ah sababtoo ah waxay aadaan oo ayna sameeyaan safar maalmeed, laakiin haddii aad jeceshahay cunto karint iyo farshaxanka iyo farshaxanka, barnaamijka degaanka ayaa laga yaabaa inuu kugu habboon yahay.

Qof noocee ah ayaa ku habboon safkaada shaqada, shakhsi ahaan iyo dabeecad ahaan labaduba ?

Waa inaad noqotaa qof ka qaybqaadanaya, maskax furan, oo aad u xasuusta cidda ay yihiin. Inaad noqoto dhegeyste wanaagsan iyo in la samro waa furaha ugu muhiimsan. Waa inaad ahaataa qof naxariis badan oo daryeel leh, laakiin aysan dhibaynin aflagaadada

Dadka qaba dhaawacyada maskaxda waxay ku hadlaan waxyaabo aysan ula jeedin siday u dhahayaan. Waa in aad noqotaa qof dulqaad leh oo wax fahmaya, ma ahan inaad is-xakamaynayso ama aad si aargoosi ah aad wax ugu qabanayso.

Way ku caawinaysaa haddii aad tahay qof isaga iskiis shaqada u bilaabay, maadaama ay kuuskuusyo badan ku jiraan waddada, sidaa awgeed dadaal. Noqo mid caqli badan oo baro sida loola socdo xaaladaha dareenka macmiilkaaga.

Waa inaad sidoo kale la leedahay qaar ka mid ah xuduudaha xirfadeed ee macmiilka sidoo kale. U fasax inay soo galaan noloshaada wax yar, laakiin ogow xadadkaaga. Waa khad fiican oo ah waxa aad sheegi karto. Ha la aadin shaqadaada guriga – waxaad awoodaa inaad xannibto waxyaabaha qaarkood.

Maxaad jeclaan lahayd in dadka ka baxsan warshadaha ay ogaadaan caqabadahaaga maalinlaha ah?

Caqabadaha maalinlaha ahi waa adag yihiin, iyadoona ku xidhan macmiilka. Waxaan leenahay hal macmiil oo sariirta aan ka kicin una baahan daryeel gaar ah, qubays, dawooyin, iyo ballamaha dhakhtarka. Waxaa jira wax badan oo laga helo shaqadan. Macmiil kastaa wuxuu soo bandhigayaa shaqooyin badan. Dadka qaar ayaa iskood wax u qabsan kara, qaarna xataa musqusha ma aadi karaan kaalmo la’aan. Markaa, caqabadu waa ogaanshaha waxa xaddidaadaadu yihiin iyo waxa aad diyaar u tahay inaad samayso. Haddii aadan rabin inaad bixiso qubays iyo daryeel shakhsi ahaaneed, tani waxay u badan tahay inaanay ahayn shaqadaada. Laakin haddii aadan dhibsanaynin taas oo aad jeceshahay inaad banaan la aado macaamiisha, iyo la kulanka waqtiyada kama dambaysta ah, oo aad u faahfaahsan tahay, waxaad qaban kartaa shaqadan.

Maxaad doonaysaa inaad ka ogaato abaal-gudka shaqadaada?

Ah, way badan yihiin. Haddii aad jeceshahay inaad aragto dadka leh caqabadaha maskaxeed iyo kan jireed oo gaadha yoolalka weligood uma malaynayn inay suurtogal tahay – taasi waa mid weyn. Abaalmarinta kale waa in la arko dad ka sii baxayo ‘Ma samayn karo’ galayana ‘hadda waan samayn karaa.’ Taasi waa cajiib; haddana, waxay dib ugu noqotaa in dadka la siiyo madaxbannaani. Abaalmarinta ugu fiican waa ogaanshaha inaad ka caawisay inay sameeyaan. Waxa kale oo aad ku samayn kartaa safarro qaav madadaalo: sida aadista beerta xayawaanada, teendho ku noolaanshaha, iyo kalluumaysiga. Waxaad sidoo kale ka caawin kartaa inay helaan shaqo, baro sida loogu buuxiyo codsiyo, waxyaabo la mid ah.

Xiriirinta Goobaha Dhinac saddexaad

Waxaad ka tagaysaa website-ka Daryeelida ME oo laguu wareejinayo degel dhinac saddexaad ah. Fadlan ogow, ma lihin ama ma cusboonaysiinno goobta laguu wareejinayo. Qaar ka mid ah waxa ku jira goobta ayaa laga yaabaa in aanay cusbayn.