3 sano ayaan ahaa Xirfadlaha bixiya Caafimaadka Hab-dhaqanka

Shelby Wilson, oo 30 jir ah, kuna sugan Degmada Aroostook, waxay u shaqaynaysay sidii xirfadlaha Caafimaadka Hab-dhaqanka saddexdii sano ee la soo dhaafay. Iyadoo xiisaynaysa u adeegida carruurta asal ahaan qaba jaah-wareer, waxay la shaqeysaa wakaaladaha, kulamo koox ah, waxayna bixisaa daryeelka guriga dhexdiisa.

Sidee bay u ekayd wadadaada xirfad shaqo?

Waxaan bilaabay inaan qabto shaqada Tababbarka Baxnaaninta Maalinta waxaanan ugu danbayntii noqday Baxnaaninta Carruurta iyo Daaweynta Taageerada Bulshada. Kahor intaanan bilaabin jagadan, waxaan la shaqeeyay dhalinyaro aan adeeg fiican la siinin si ay u helaan ilaha bulshada iyo fursadaha waxbarashada kuleejka.

Waxaan qaatay dhowr tababar oo lagama maarmaan u ah si aan u ilaaliyo ansixinta BHP sida CPR/Aid First, MANDT (tababbarka isdhexgalka ciladaha habdhaqanka), iyo Warbixinta Waajibka ah iyo sidoo kale daaweynta kutaanka iyo injirta iyo daryeelka wargelinta jah-wareerka.

Maxaad u taqaanaa guul marka loo eego shaqadaada?

Dadka naxariista leh ee raba inay ku takhasusaan caafimaadka habdhanqanka waxay ku bilaabi karaan inay u dulqaataan qof xaalad adag ku jira ama u naxariista qof si ka duwan awood u leh.

Hooyo Teresa waxay tiri: “Dhammaanteen ma sameyn karno waxyaabo waaweyn. Laakiin waxaan ku samayn karnaa waxyaabo yaryar jacayl weyn.” Inkastoo tani ay tahay mantra aan ku noolaa, waa inaan sidoo kale ku khilaafaa in waxyaalahaas yaryar, ay ula dhaqmaan si jacayl leh, ay ka dhigaan shaqadeena mid weyn.

Sideed ku qeexi lahayd saamaynta ay ku leedahay shaqadaada BHP?

Waxaan la shaqeeyay macmiil gaar ah muddo saddex sano ah. Qofkan gaarka ah waxa uu qabay naafo fudud oo dhanka garaadka ah. Wuxu ogaa in taasi ay ka soocday asxaabtiisa bulsho ahaan.

Lixdii bilood ee ugu horreysay, waxaanu ka hawlgalnay sidii uu u baran lahaa magacayga. Waxaan ahaa qofka weyn ee amaanka ah ee uu u baahnaa si uu u aqoonsado markay xaalad degdeg dhacdo. Waxaan inta badan ka shaqeynay inaan aqoonsanno ereyada muhiimka ah ee ka caawin doona inuu raadso dhigaalada bulshada. Wuu ii iman jiray wuxuuna i weydiin jiray su’aalo aan kala sooc lahayn sida: ‘Maxay 10 lagu dhuftay 10 lamid tahay?’

Hal tusaale, waxa uu rabay in uu barto higaada kelmad uu u arko inay tahay mid xiisa galiso, laakiin marka hore, waxa uu ku qasbanaaday in uu dhamaystiro aqoonsiga liiska ereyada aan siin lahaa. BHP igu jirta ma diidi karto heshiis wayna ogolaatay. Ninkan dhalinyarada ahi waxa uu aad ugu guulaystay hadaladiisa maalinta iyo hawlihiisa guriga. Wadahadalka, waxa uu qirtay in asxaabtiisa ay inta badan weydiiyeen mashaakilaadka xisaabta si ay u doortaan awood la’aantiisa inuu xalliyo. Dhismihii xafiiskeena, wuxuu waydiiyay xafiiskayga? Waxaan u sheegay in xafiisyadu ay yihiin isku-duwayaasha iyo agaasimayaasha iyo kuwa muhiimka ah ee ka dhax jira hay’adda. Si taas loo gaaro, wuxuu ku jawaabay: ‘Adiguna aad baad muhiim u tahay. Waxaad i bartay 10 lagu dhuftay 10 waxay la mid tahay 100 iyo sida loo higgaadiyo ereyada qosolka leh.’ Tilmaamuhu waxay u muuqdeen kuwo yaryar dhankayga, laakiin waxay siiyeen kalsooni uusan hore u muujin, waxaan dareemay ujeedo farxad xad dhaaf ah leh.

Talo noocee ah ayaad siin lahayd dadka raba inay noqdaan BHP?

Aad bay muhiim u tahay inaad noqoto qof furfuran, oo ka imaanaya meel naxariis leh. Marka aad la shaqaynayso dadka qaba dhibaatooyinka maskaxda iyo habdhaqanka, ma noqon kartid qof markiiba xukmiya. Waxaan isku dayay inaan raadiyo sababta asalka u ah sida lidka ku ah beddelka habdhaqanka. Tusaale ahaan, haddii Timmy yari uu madaxiisa ku garaaco miiska mar kasta oo uu gaajaysan yahay, wax wanaagsan ma aha in Timmy loo sheego inuu joojiyo ku garaacida madaxiisa –sababtoo ah taasi ma ahan habdhaqan wanaagsan–waxay u qabataa adeeg dheeraad ah isaga haddii aan ku dhoho: ‘Maxaynu u qaadan waynay nasasho si aan cunto fudud usoo cuno.’ Habka ugu fiican ee lagu ogaan karo haddii goobtan ay tahay mid adiga laguugu talagalay, gaar ahaan carruurta, waa winaad akhti ku bixisaa ukuura galidooda. U fiirso hab-dhaqankooda iyo is-dhexgalka oo adiga kasoo qaad inaad booskooda joogto.

Qof noocee ah ayaa ku habboon shaqadaada, shakhsi ahaan iyo dabeecad ahaan labaduba?

Waa inaad noqotaa qof dareen u leh oo madadaalo jecel. Haddii aad soo gasho xirfaddan shaqo oo aad la shaqeynayso dad waaweyn ama carruur aadna u fiirinayso inay tahay maalin shaqo oo kaliya aysan ahayn maalin aad dhisaysid xiriirka aadanaha iyo xirfadaha bulshada, tani adiga laguuguma talagalin. Lahaanshaha fikirka saxda ah waa qayb lama huraan u ah doorkan.

Maxaad jeclaan lahayd in dadka ka baxsan shaqada ay ka ogaadaan caqabadahaaga maalinlaha ah ee aad la kulanto?

Ku noolaanshaha degmada Aroostook, qof kastaa ma haysto gaadiidka ugu fiican. Baabuurkaygu wuxuu jaray in dhan 215,000 mayl inta badan mayladaasi waxay ahaayeen saddexdii sano ee ugu dambeysay ee aan shaqaynayey. Aniga ahaan, waxay mararka qaarkood igu qaadataa 30-40 daqiiqo si aan u gaaro macaamiisha. Wakaaladaydu waxa ay isku dayaysaa in ay nadajiso meel shaqo oo ugu dhaw dadka aan u adeegno, laakiin had iyo jeer ma shaqeyso. Waxa ay noqonaysaa dadaal badan in dadka loogu adeego inta ay miyiga ku sugan yihiin. Waxaa jira magdhaw masaafo, laakiin kharashka shidaalka ee kor u kacaya, mushaharku kuma filna inuu u dhigmo heerka shaqada iyo tayada daryeelka aan bixino. Midda kale waa, sida macallimiinta, waxaa noo danbaysa inaan ka bixino saadad badan jeebkeena. Haddii aad qof kala shaqaynayso xirfadaha is dhexgalka oo aad barayso cunug inuu la ciyaaro ciyaarta looxa ilmo kale, halkee ayay ka ka timid ciyaartaas looxa? Waxaa jira ballanqaad weyn oo ku lug leh haddii aad doonayso inaad tan sameyso.

Maxaad ayaga ka doonaysaa inay ka ogaadaan abaalgudka shaqadaada?

Dadku waxay u baahan yihiin inay fahmaan in abaal-marintu ay tahay mid shakhsi ahaaneed; mana ahan lacag. Xidhiidhada aad dhisto, guulaha aad ka markhaatiga ka tahay, waa abaal-marinta.

Waana inaad noqotaa mid dabacsan si aad u aragto horumarka la gaaray. Tusaale ahaan, u qaad ilmo naafo ah ama laga daaweynayo lana halgamayo isdhexgalka bulshada. Aynu dhahno maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu go’aansaday inuu rabo inuu kubbadda koleyga la ciyaaro caruur kale halkii uu ka shaqayn lahaa miisaaniyad-samaynta. Waa inaad u ogolaataa. Waxaan isku dayaa inaan qorsheeyo fadhiyada maalin kasta, laakiin haddii aan arko in ilmahan ku dhibtoonaya inuu saaxiibbo sameeysto ay ka dhigayso in la dhiso isdhexgalkaas bulsheed, waxaan u fasaxay qayb ka mid ah qorshayaasha maalinta. Abaalgudku waa in la arko isaga oo saaxiibbo samaysanaya.

Xiriirinta Goobaha Dhinac saddexaad

Waxaad ka tagaysaa website-ka Daryeelida ME oo laguu wareejinayo degel dhinac saddexaad ah. Fadlan ogow, ma lihin ama ma cusboonaysiinno goobta laguu wareejinayo. Qaar ka mid ah waxa ku jira goobta ayaa laga yaabaa in aanay cusbayn.